Other languages  Other languages

Cadayn Nabadeed

Ayada oo ay saldig utahay diintayadu, ayaa ilaa iyo wagti aan dhaweeyn, waxaa diinta Quakers ay a'aminsanayd in si nabadgalyo ah lagu xaliyo dalgalada iyo iskhilaafka. Waxaanu a'aminsanahay in ilaahay nafkasta uu abuurtay, waana ka horjeednaa naf la qaado, qofnana kuma taageerikarto dilid nafeed.

Waxaanu a'aminsanahay in iskhilaafkasta si nabadgalyo ah lagu dhamayn karo, markii ruux kastaa uu awoodiisa iyo caqligiisa u isticmaalo. Waxaanu ka baranay caabudida illahay iyo diintayadaba, in dhibaatooyinka ugu adag oo la'isku khilaafo in si dhibyar lo xalinkaro markii ilaahay loo kaashado. A'amusku iyo ka fakarka dhibaatoyinku waxay furan irdo cusub oo hadii kale a'anaan aragneen.

Wax cadaw ah ma lehin. Waxaanu a'aminsanahay in ruuxkastaa is isbadalikarayo. Nabadgalyo ka talintu waxay u baahantahay huritaan nafta ah, baqdinta oo aad diido, iyo ka tilaabi xuduuyo adag. Ayado lagu jiro waqti dagaal lagu qaaday ARGAGIXISADO, iyo kaga hormar dagaal, anagu dagaal kuma jirno.

Dagaal nacaybku waa taxan farabadan, waxaana ka mid ah wada hadal lala yeesho qoladaad iska soo horjeedan, mudaaharaadyo lagaga hortago xukuumadaha aan cadaalada ahayn, ama si loogu samrilahaa sharci waqti dheer qaata. Ka hortag aan lala daahin ayey u baahantay dalgaal nacaybku si uu u noqdo mid xoog leh. Midab nacaybka, nacaybka dadka kaa duwan, cadaalad la'anta dhaqaalaha, qayb xumada maalka iyo waxyaalo kale oo cadaalad daro ah waa in lala dagaalaa ka hor inteeyan abuurin cadawnimo iyo dagaal. Taxadar gaar ah waa in la qaataa kadib markuu dagaal daco, waana in lagu dadaalaa dhismo iyo dhul soo celin. Taasi waxaa laga yaabaa in xiriirka dadka ay wanaajiso ayna ka hortagto dagaalo imanlahaa.

Dagaal nacaybku markasta kuma dambeeyo nabadgalyo si deg-deg ah. Sida dagaalka oo kale dad masaakiin ah ayaa markasta ku dhibaatooda. Hadana markii dagall nacaybku uu shaqeeyo, cidina ma garato ama ma xusuusato wanaagiisa. Mar hadii uusan dagaal dhicin cidina iskuma shidayso nabadgalyo raadis. Ma ugaan karno dhexgalkii Rwanda iyo Barundi ee laysu keenay kooxyada kale duwan ee lagu heshiisiiyeyna, in uu dagaal dhicilahha ka hortagay. Inkasto aan la qiyaasi karayn, hadana waa cadaan in shakhsi kastaa ee wadamadaas ku nool inuu ka fa'aidaystay, ay noolash dad badana badashay.

Iskahorimmadka dagaala sokeeye wxuu keenaa dhibaatoyin dadka maatada oo badanaa ah Khasaaro Guud. Waxay aad u baa'bisaa waddoyinka iyo biyaha iyo waxyaalaha kale ee dadka nololnaalmoodkooda ka mid ah oo ayan dadkan shicibka ah ayan jka maarmin. Waxay sumeeysaa hawada, waxayna sababtaa miinooyin, iyo waxyaale kale oo dhibaatadoodi ayan ka dhamaan beeraha iyo dhulka wax lagu abuuro. Dagaalka badani wuxuu abuuraa niman guluf noqda, waxayna ku reebtaa dadkaas xusuus aan harin oo dadka geeystay iyo kuwa loo geestaba waxyeesha, salna u noqota aamin daro aan laga buskoon.

Dagaal joojintu waxay noqon karta mid ah khiyaali oo aan run ahayn ama mid fiiro dheeer leh oo dhasha xasiloooni iyo nabadgalyo. Dadkeeni hore eek u taliyey in la baabi'yo gumeeysiga ayaa dadaalkooda lagu qosli jiray, laakin waxay ku guuleeysteen arintaas inay daba galaan ilaa iyo intey ka baaba'iyso gumeeysugu dalkeena, hadana ay ka shaqeeynayaan dalkeena iyo aduunkaba si dii loga baa'bin laha iyo siyaasadeena dibadeedba. Waxaanu markasta kahortageeyna dagaalada ama dhibaatooyinka sammeyn kara dhinac kasta nolosheena. Hadeey noqoto ka hortaga dhibaatooyinka ama nabad keenida. Sida aan ka yeelo aduunyada aan ku noolahay waxay saameeyneeysaa inta aduunyadu ay jireeyso. Siyaasadeena dibada iyo muraadjkeenu waxa weeyee inaan nabada ilaahay aan ka dhalino hada aduunkan aan ku noolnahay.

Shirka bilkasta oo santa louis (Missouri, USA)
SAAXIIBADA UMMADAHA DIINEED

FEBRAUARY 12 2006